illaa tobon xubnood oo katirsan qeybaha jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool waqooyiga dalka Sweden ayaa maanat waxaa tababar uga bilawdo magaalada Skellefteå.
Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay hayada ABF ayaa waxaa lagu baran doonaa qaababka wadashaqeyneed iyo macluuumaad la xariira harumarinta adeegyada ay wada qabtaan jaaliyada oo hayada ABF.
Birgette oo ah hawlwadeeen sare oo katirsan ABF ayaa sheegtay in saacadaha uu socdo tababarkaan lagu bari doono ka qeybgalayaasha casharo muhiim u ah hawlaha iyo waxqabadyada ay sameeyaan hogaamiyayaasha sirkalada waxayna intaa raacisey in wejiga 2 aad ee tababarka lagu qabandoono magaalada U
Friday, September 28, 2012
Kismaayo oo maanta laga xureeyay Alshabaab
Col Cyrus Oguno oo ka mid ah afhayeenadda ciidamada Kenya ayaa goor dhaw u
sheegay warbaahinta inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada
waxaana uu intaa ku daray in ciidamadooda ay hadda magaaladda isku
fidinayaan.
Xaaladda ayuu sheegay in ay hadda dagan tahay waxaana uu shaaca ka qaaday
in ciidamadii ugu tirada badnaa ay magaalada galiyeen.
“Magaaladda Kismaayo gacanteena ayay ku jirtaa annagaana maamulna xaaladuna
waa ay dagan tahay” ayuu yiri Col Cyrus Oguno Dadka Kismaayo ayuu ugu baaqay
inay is dajiyaan afhayeenku.
Ciidamada dawlada Kenya ayaa xalay gudaha u galay magaaladaasi Kismaayo oo
Shababku maamulayeen.
Sunday, September 23, 2012
Xamar 22 sano sano kadib xaalkiisu ma faayaa hada
Dulmiga cadaalad ayaa badali doonta, dagaalka nabad gelyo ayaa bara bixin doonta, cudurka caafimaad ayaa booskiisa geli doona, jahliga cilmi iyo waxbarasho ayaa lagu tir tiri doonaa, naceybka is jaceyl iyo walaaltinimo ayaa lagu dhaqi doonaa, gaajada iyo faqriga barwaaqo baa hareyn doonta, dib u dhaca horumar ayaa badali doona waxaase intaa ka horeeya in shacabka Soomaaliyeed 22 sano kadib u istaagaan halgan la mid kii geesiyaashii SYL kaas oo horseed u noqonaya in si fudud looga gudbo xaaladan qalafsan.
Madax weyne Xasan Sheekh Maxamuud waa madaxweynihii 3- aad ee dalka gudihiisa lagu doorto 52-kii sano ee aan xorta aheyn 1960 - 2012, dhinaca kale waa madax weynihii 1-aad ee dalka gudihiisa lagu doorto bur brukii dowlada dhexe kadib 1991 - 2012, waana hogaamiye weyn oo soo banbaxay xili si aad ah loogu baahnaa lagana sugayo isbadal cusub oo taariikhi ah.
Madax weyne Professor Xasan sheekh waxaa kusoo wada eegaya indhaha shacabka soomaaliyeed oo dhan iyagoo kaa sugaya magacaabida ra'iisul wasaare cusub kaas oo ka gadmi kara , lehna AQOON , KARTI , NADIIFNA ka ah dhibaatooyinkii dalka ka dhacay, aamin ah kuna sifoobay wadaninimo.
Madax weyne Ra' iisul wasaaraha aad magacaabeyso waa in uu noqdaa mid kula heer ah , garaadkiisu bisil yahay, kuguna xiran loogana talin meel kale ( macnaha aan labo madaxweyne laheyn ), si aad uga bad baado wadada guul darada iyo horu u socod la'aanta, Madax weyne professor Xasan Sheekh FIKIR OO HA FUDUDAAN soo xulo ra'iisul wasaare gacan balaaran kugu siiya samata bixinta shacabka Soomaaliyeed beeshuu doono haka yimaadaa, kuna dadaal in aad shacabka qanciso furtana wado cuusb oo lagugu xusuusto.
Madaxweyne Professor Xasan sheekh waxaad la wareegtay QASNAD maran , deyn fara badan, CIIDAMO aan mudo sanad kabadan mushaar lasiinin. CIIDAMO beeleed (MALEESHIYO) huwan magac qaran kana amar qaata taliye qabiil una baahan in dhaqan celin iyo tababar deg deg ah loo sameeyo, nabad gelyo xumi baaxad leh, iyo culeyso kale oo mug leh hadaba guntiga u xiro sidii aad mushkiladaas oo dhan xalkooda u heli laheyd adigoo garabsanaya shacabka Soomaaliyeed eEBANA talo saaranaya.
Ku dadaal sidii aad u kala shaandheyn laheyd siyaasiyiinta hareerahaada tuban guclahana ku wada jira una xusul duubada jogooyinka muhiimka ah ee dowlada , saaxiibadaa halganka qaraar kula soo galay iyo kuwii kaa soo horjeeday ee dagaalka kugula jirayna si isla mid ah usoo dhawee kana xulo kuwa buuxin shuruudaha asaaska u ah in loo huwiyo xilka qaran, kuna dadaal in aad cadowgaada u bedesho saaxiib daacad kuu ah oo kula shaqeeya wax walbana ka hor mari CADAALADA ogowna in dhamaan dowlihii dalka soo maray ay la bur bureen cadaalad darada.
Madax weyne professor Xasan Sheekh Maxamuud awoodaada oo dhan isu gee sugida AMNIGA taas ku xiran helitaanka ciidamo la isku haleyn karo oo ka duwan maleeshiyooyinka beelaha ee la huwiyay magaca ciidamo qaran , dhis NABAD SUGID aqoon leh maxaa yeelay aad bey dowlada uga liidataa , waana in aad heshaa SIRDOON aqoon iyo waaya aragnimo leh oo wax ka badala xaaladan argaga leh.
Qalinkii Qoraa Sare.
Muse mohamed omasn
muusekiimiko992hotmail.com
muusekiimiko2gmail.com
DAD LAGU QABTAY DALKA UGAANDHA
Dad badan oo soomaali ah ayaa bishii inaga tagtay ee August 2012 iyo tan aynu
ku jirno ee September 2012 looga soo celiyay dalka Uganda DOLLAR been abuur ah (
VALSO ) oo ay wateen awgiis iyadoo Dowlada uganda ka cafisay xabsi ay arintaas
ku mudan lahaayeen.
Warar laga soo xigtay dadka dib loo soo celiyay ayaa sheegaya in lacagahaan ay kasoo sarifteen kooxo lagu magacaabo sariflayaasha wareega oo ku dhex shaqeeya garoonka diyaaradaha Aadan cade Airport ee magaalada Muqdisho taas oo ceeb weyn ku noqoneysa garoonka diyaaradaha caalamiga ah iyo dowlada soomaaliyaba.
Warar kale oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho uu si aad ah uga buuxo dollar been abuur ah ( VALSO ) maaddama aysan jirin cid ama hay'ad kontaroosha ama daba gasha , dhibaatadana ay ku dhacsdo oo kaliya dadka safarka ah ee u qaata dalalka dibada, dadkan laga soo celiyay dalka Uganda ayaa la ogaaday in lacagta ay wataan been abuur valso tahay xili ay doonayeen in ay iska bixiyaan lacagta VISAHA oo ah 50 DOLLAR , waxeyna arintaas ku noqotay dadkaas masaakiinta ee safarka arga gax iyo lama filaan.

Saturday, September 22, 2012
In ka badan 100-Maleeshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab oo iska soo dhiibay dhanka degmada Jowhar.
Gaashaanle Muqtaar Xasan Tifow (Shaahmacabe) Taliya guutada Labaad ee
Gaaska Koowaad ayaa sheegay in ciidamada Dowladda waaberigii saakay ka
dhaqaaqeen Degmada Balcad, haddana ay ku sii wajahan yihiin degmada Jowhar,
isagoo dhinaca kale sheegay in saakay ay ciidamada isu soo dhiibeen in ka badan
Boqol ka tirsanaa Malleeshiyaadka Shabaab oo wata hubkoodii.
‘’Waxaan ku sii wajahannahay Jowhar, isla saakana waxaa ciidamada isu soo
dhiibay in ka badan 100 malleeshiyad ah oo ka tirsanaa Shabaab, waxaana raggaasi
loo soo qaaday dhinaca Balcad mana jiraan wax khasaare ah oo ilaa hadda na soo
gaaray’’ayuu yiri G/lle Muqtaar Xasan Tifow oo sheegay inay saacadaha soo socda
geli doonaan Degmada Jowhar.
Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa xaqiijiyay inay saaka ciidamada isu soo
dhiibeen Boqol malleeshiyaad Shabaab ah kuwaas oo isa soo dhiibay intii uu
socday howlgalka ay ciidamadu ugu dhaqaaqeen degmada Jowhar ee xarunta gobolka
Sh/shexe, waxeyna AMISOM intaa ku dartay in raggaasi dhawaan saxaafadda loo soo
bandhigi doono.
Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray
wafdi uu hugaaminayo Safiirka Cusub ee uu Midawga Yurub usoo Magacawday in uu
wakiil uga noqdo dalka Soomaaliya .
Masuulkaan ayaa Markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho waxa uu kulan la
qaatay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, kulankaasi oo ay
al baabadu u xirnaayeen ayaa Markii uu soo dhamaaday waxaa si wada jir ah Shir
Jaraaid ugu Qabtay saxaafada Wasiiru dowlihii Wasaarada arimaha Dibada
Xukuumadii waqtigeedu Dhamaaday Xaamud Cali Maasheeye iyo Safiirka iyagoo Faah
faahiyay Wixii ay ka wada hadleen labada dhinac..
Wasiiru Dowlihii Wasaarada arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Warbaahinta u
sheegay inay wafdigaan ka wada hadleen sidii uu Midawga Yurub uga taageeri lahaa
Dowladda Curdunka ah ee Soomaaliya Dhinacyada Dib u dhiska, dib u heshiisiinta
iyo dhinacyo kale taana ay isku afgarteen aadna ay ugu farxayaan in Yurub ay
Safiirkeeda u soo magacaabato dalka Soomaaliya .
Dhinaca kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Safiirka Midawga Yurub uu usoo
Magacawday Dalka Soomaaliya ee lagu Magacaabo Je rPhone oo sheegay in uu aad u
soo dhaweynayo in Soomaaliya uu ka shaqeeyo horay uu uga shaqey jiray dalka
Yamen hadana loo soo diray Soomaaliya uuna balan qaadayo In Yurub wadamada la
isku yiraahdo ay Garab istaagi doonaan .
TABABAR LAXARIIRA QAABKA SIRKALDA LOO SAMEEYO OO LOO QABANAYO XUBNAHA JAALIYADA sOMALIER
In ku dhaw 10 xubnood oo ka tirsan qaybaha jaalida ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda uu tababar uga furmo magaalada Skellefte'
Tababarkaan oo ay soo qaban qaabisey hayada ABF ayaa waxaa lagu baran doonaa qaabka loo sameeyo waxqabadyada ama hawlaha kale oo ay qabtaan xubnaha jaaliyada.
Birigatta oo ah xubin ka tisan ABF ta isla markaana qabanqaabinaysa tababarkaan ayaa sheegtay in tabarkaasi uu 29 ka bishan ka dhici doono xarunta ABF ta ee magaalada Skellefte iyadoo intaa ku dartay in wejiga 2 ee tababarkaan uu ka dhici doono bisha dambe magaalada Umea.'

JAALIYADA SOMALIER FÖR SOMALIER OO TAAGEERTAY ISBEDELKA SIYAASADA SOOMAALIYA.
kulan balaaran oo ay kas oo qeybgaleen xubnaha jaaliyada. dhalinyaro haween iyo waxgaradkalka Soomaalida ku nool magaalada Skellefteä ee waqooyi dalka Sweden ayaa maanta lagu qabtay xarunta jaaliyadaa . waxaana kulankaasi xubnaha madaxda jaaliyad ay marka hore ka warbixiyeen waxqabada jaaliyadaa oo dhusneed mudo kooban sidoo kale waxgaradkii kahadlay kulakaansi waxa ay taageereen isbedelka siyaasada soomaaliya haatan kahana qaaday. Cabdi Axmed oo ah madaxa dhaqaalaha ee jaaliyada Somalier för Somalier oo uhadlay warbaahinta ayaa ku nuuxnnuuxsaday in kaalin weyn looga baahayahay qurbajoogta Soomaaliyeed sidii dalka loo samata bixin lahaa sidoo kale Nuur Saalax oo ah gudoomiye ku xigeenka jaaliyada ayaa asna kulankaasi ka sheegey in dalkasta dadkiisu ay dhistaan islamarkaana daksa soomaaliyeed looga baahayahay in dalkooda ay idib udhistaan kulankaasi ayaa waxa uu ku soo gabagaboobey jawi wanaagsan

Friday, September 21, 2012
HAYADA LOLAN OO MAANTA KA HAWLBILAWDAYDAY MAGAALADA SKELLFTEÄ
Waxaa maanta magaalada Skellefteä waqooyiga Dalka Sweden ka hawlbilaabay hayada lolan ooshaqadeedu tahay hagida iyo waxbarida dadka kucusub dalka
Dukaanka Expert Skellefteä oo beri laxaraashayo
73 dukaan oo uu leeyahay Expert ayaa irdaha la’isugu dhuftay iyagoo dhamaadka isbuuca la filayo in ay sameeyaan xaraash.
Sababta ka dambaysa qasaarada dukaamada Expert ayaa maamulka shirkada ku sheegeen in ay tahay suuqa oo ciriiri ah iyo dukaanka oo mudo badan qasaare ku jiray. Bilowga isbuucaan ayaa maamulka dukaanka waxay maxkamada Linköping ka codsadeen waxa loo yaqaan (konkursansökan) oo ah in dukaanka uu uusan daymaha iska bixin karin.
Shaqaale gaaraya 80o qof ayaa ku shaqo beeli doona qasaarada Expert. Balse arinta xiisaha leh ayaa ah in isbuucaan dhamaadkiisa Jimcada ama Sabtida uu Expert xaraashi doono dhamaan waxyaabaha yaala dukaamada. Xaraashka ayaa la filayaa in dadku ay qiimo jaban ku qaadan doonaan alaabada kala duwan sida kombutarada, telefishinada, moobeelada iyi iwm
Subscribe to:
Posts (Atom)