Sunday, September 23, 2012

DAD LAGU QABTAY DALKA UGAANDHA

Dad badan oo soomaali ah ayaa bishii inaga tagtay ee August 2012 iyo tan aynu ku jirno ee September 2012 looga soo celiyay dalka Uganda DOLLAR been abuur ah ( VALSO ) oo ay wateen awgiis iyadoo Dowlada uganda ka cafisay xabsi ay arintaas ku mudan lahaayeen.

Warar laga soo xigtay dadka dib loo soo celiyay ayaa sheegaya in lacagahaan ay kasoo sarifteen kooxo lagu magacaabo sariflayaasha wareega oo ku dhex shaqeeya garoonka diyaaradaha Aadan cade Airport ee magaalada Muqdisho taas oo ceeb weyn ku noqoneysa garoonka diyaaradaha caalamiga ah iyo dowlada soomaaliyaba.

Warar kale oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho uu si aad ah uga buuxo dollar been abuur ah ( VALSO ) maaddama aysan jirin cid ama hay'ad kontaroosha ama daba gasha , dhibaatadana ay ku dhacsdo oo kaliya dadka safarka ah ee u qaata dalalka dibada, dadkan laga soo celiyay dalka Uganda ayaa la ogaaday in lacagta ay wataan been abuur valso tahay xili ay doonayeen in ay iska bixiyaan lacagta VISAHA oo ah 50 DOLLAR , waxeyna arintaas ku noqotay dadkaas masaakiinta ee safarka arga gax iyo lama filaan.

No comments:

Post a Comment