Sunday, September 23, 2012
Xamar 22 sano sano kadib xaalkiisu ma faayaa hada
Dulmiga cadaalad ayaa badali doonta, dagaalka nabad gelyo ayaa bara bixin doonta, cudurka caafimaad ayaa booskiisa geli doona, jahliga cilmi iyo waxbarasho ayaa lagu tir tiri doonaa, naceybka is jaceyl iyo walaaltinimo ayaa lagu dhaqi doonaa, gaajada iyo faqriga barwaaqo baa hareyn doonta, dib u dhaca horumar ayaa badali doona waxaase intaa ka horeeya in shacabka Soomaaliyeed 22 sano kadib u istaagaan halgan la mid kii geesiyaashii SYL kaas oo horseed u noqonaya in si fudud looga gudbo xaaladan qalafsan.
Madax weyne Xasan Sheekh Maxamuud waa madaxweynihii 3- aad ee dalka gudihiisa lagu doorto 52-kii sano ee aan xorta aheyn 1960 - 2012, dhinaca kale waa madax weynihii 1-aad ee dalka gudihiisa lagu doorto bur brukii dowlada dhexe kadib 1991 - 2012, waana hogaamiye weyn oo soo banbaxay xili si aad ah loogu baahnaa lagana sugayo isbadal cusub oo taariikhi ah.
Madax weyne Professor Xasan sheekh waxaa kusoo wada eegaya indhaha shacabka soomaaliyeed oo dhan iyagoo kaa sugaya magacaabida ra'iisul wasaare cusub kaas oo ka gadmi kara , lehna AQOON , KARTI , NADIIFNA ka ah dhibaatooyinkii dalka ka dhacay, aamin ah kuna sifoobay wadaninimo.
Madax weyne Ra' iisul wasaaraha aad magacaabeyso waa in uu noqdaa mid kula heer ah , garaadkiisu bisil yahay, kuguna xiran loogana talin meel kale ( macnaha aan labo madaxweyne laheyn ), si aad uga bad baado wadada guul darada iyo horu u socod la'aanta, Madax weyne professor Xasan Sheekh FIKIR OO HA FUDUDAAN soo xulo ra'iisul wasaare gacan balaaran kugu siiya samata bixinta shacabka Soomaaliyeed beeshuu doono haka yimaadaa, kuna dadaal in aad shacabka qanciso furtana wado cuusb oo lagugu xusuusto.
Madaxweyne Professor Xasan sheekh waxaad la wareegtay QASNAD maran , deyn fara badan, CIIDAMO aan mudo sanad kabadan mushaar lasiinin. CIIDAMO beeleed (MALEESHIYO) huwan magac qaran kana amar qaata taliye qabiil una baahan in dhaqan celin iyo tababar deg deg ah loo sameeyo, nabad gelyo xumi baaxad leh, iyo culeyso kale oo mug leh hadaba guntiga u xiro sidii aad mushkiladaas oo dhan xalkooda u heli laheyd adigoo garabsanaya shacabka Soomaaliyeed eEBANA talo saaranaya.
Ku dadaal sidii aad u kala shaandheyn laheyd siyaasiyiinta hareerahaada tuban guclahana ku wada jira una xusul duubada jogooyinka muhiimka ah ee dowlada , saaxiibadaa halganka qaraar kula soo galay iyo kuwii kaa soo horjeeday ee dagaalka kugula jirayna si isla mid ah usoo dhawee kana xulo kuwa buuxin shuruudaha asaaska u ah in loo huwiyo xilka qaran, kuna dadaal in aad cadowgaada u bedesho saaxiib daacad kuu ah oo kula shaqeeya wax walbana ka hor mari CADAALADA ogowna in dhamaan dowlihii dalka soo maray ay la bur bureen cadaalad darada.
Madax weyne professor Xasan Sheekh Maxamuud awoodaada oo dhan isu gee sugida AMNIGA taas ku xiran helitaanka ciidamo la isku haleyn karo oo ka duwan maleeshiyooyinka beelaha ee la huwiyay magaca ciidamo qaran , dhis NABAD SUGID aqoon leh maxaa yeelay aad bey dowlada uga liidataa , waana in aad heshaa SIRDOON aqoon iyo waaya aragnimo leh oo wax ka badala xaaladan argaga leh.
Qalinkii Qoraa Sare.
Muse mohamed omasn
muusekiimiko992hotmail.com
muusekiimiko2gmail.com
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment