Friday, September 28, 2012

Kismaayo oo maanta laga xureeyay Alshabaab



Col Cyrus Oguno oo ka mid ah afhayeenadda ciidamada Kenya ayaa goor dhaw u sheegay warbaahinta inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada waxaana uu intaa ku daray in ciidamadooda ay hadda magaaladda isku fidinayaan.


Xaaladda ayuu sheegay in ay hadda dagan tahay waxaana uu shaaca ka qaaday in ciidamadii ugu tirada badnaa ay magaalada galiyeen.


“Magaaladda Kismaayo gacanteena ayay ku jirtaa annagaana maamulna xaaladuna waa ay dagan tahay” ayuu yiri Col Cyrus Oguno Dadka Kismaayo ayuu ugu baaqay inay is dajiyaan afhayeenku.


Ciidamada dawlada Kenya ayaa xalay gudaha u galay magaaladaasi Kismaayo oo Shababku maamulayeen.

No comments:

Post a Comment